Kulanka, oo looga hadlay doorka iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya, Turkiga iyo UK, ayaa lagu sheegay in xiriirka muddada dheer ee Ankara iyo Muqdisho uu noqon karo saldhig lagu ballaariyo wada-shaqeyn ay London qayb ka noqoto, si loo taageero amniga, horumarinta iyo koboca dhaqaalaha Soomaaliya.
Danjiraha Turkiga ee UK, Cismaan Koray Ertas, ayaa sheegay in xiriirka dalkiisu la leeyahay Soomaaliya aanu ku koobnayn gargaar bini'aadantinimo, balse uu u kobcay iskaashi dhinacyada horumarinta, amniga iyo maalgashiga.
Wuxuu sheegay in Turkigu tan iyo 2011 Soomaaliya ka hirgeliyay mashaariic horumarineed oo ka badan hal bilyan oo doollar, isla markaana uu tababar siiyay in ka badan 20,000 oo ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya.
Ertas ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar muuqda inkastoo ay weli wajahdo caqabado. Wuxuu xusay in Turkigu uu soo dhoweynayo taageerada caalamiga ah, gaar ahaan tan UK, isagoo adkeeyay in Ankara ay doorbideyso iskaashi halkii uu ka jiri lahaa tartan, isla markaana xiriirka Soomaaliya uu ku dhisan yahay is-aaminaad iyo iskaashi soo jiray muddo dheer.
Danjiraha Soomaaliya ee UK, Cabdulqaadir Xaashi, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudbayso marxalad ku tiirsanaanta gargaarka una jihaysanayso horumar iyo maalgashi. Wuxuu soo dhoweeyay warbixin ay diyaarisay Xarunta Xiriirka Ingiriis Turki ah (CATR), isagoo sheegay inay muujinayso isbeddelka ka socda Soomaaliya.
Xaashi ayaa intaas ku daray in ku biirista UK ee iskaashiga dhow ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ay abuuri karto iskaashi saddex geesood ah oo faa'iido u leh dhammaan dhinacyada, isla markaana gacan ka geysan kara xoojinta xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika.
Xildhibaanka Baarlamaanka UK ee xisbiga shaqaalaha, Afsal Khan, oo guddoominayay kulanka, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Turkigu ay yihiin laba saaxiib oo muhiim u ah UK. Wuxuu ku baaqay in diiradda laga wareejiyo ku tiirsanaanta gargaarka loona gudbo maalgashi, koboc dhaqaale iyo iskaashi waara, isagoo sheegay in xasilloonida Soomaaliya ay dan u tahay Afrika iyo caalamkaba.
Faallooyinka (0)
Weli wax faallo ah looma reebin warkan. Noqo qofka ugu horreeya ee faallada ku qora!
Ku dar Faallo