Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo Loo Doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Mucaaradka oo qaatay Mawqif Adag
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah guddoomiye cusub u doortay Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac (Jaamac), ka dib markii uu guul ka gaaray doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho. Doorashadan ayaa ku soo beegantay xilli ay jirto kala-qaybsanaan siyaasadeed iyo xiisad ka taagan xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.